Abukar Arman: Fikrado Qotodheer oo Muslimiintu Xusaan Bisha Ramadaan

Toban iyo shanwax walba meel-dhexaad bay leeyihiin, la’aanteedna waa waxba. Sidaas darteed noloshu waa miisaan u baahan taxaddar dheeri ah.

Toban iyo afarwalaalkaa la jecloow wixii aad naftaada la jeclaatid. Sidaas oo kale, wixii aad necebtahay waa in aad ogaatid in walaalkaa asna necebyahay, marka waa in aad la nebcaatid. Walaaltinimadu waa fikir sida jaranjarada loo tafo, oo nolosha iyo dadnimada baa walaal lagu wada yahay.

Toban iyo saddexha la ogaado kan noogu taajirsan oo noogu qanisan waa midka qalbigiisu qanac yahay. Sidaas darteed taajirnimada runta ahi waa mid maskaxda ka dhalata. Waa mid bakhaylnimo ka fogaata, kuna qanacsan inta Eebbe u igmaday.

Toban iyo laboDiinta Islaamka lama iskuma maquunin karo, laablakacna laguma gali karo. Wacyiga diinta iyo imaanku waa mid qalbiga ka soo go’a ee ma aha mid jajuub iyo khasab la isugu dhiibo ama xiiso iyo laablakac lagu rumeeyo.

Toban iyo kow, qofna qofka kale kama laandheeraysna, dhan qabiil iyo mid dhalasho, waxna ma dheera aan ka ahayn dadnimadiisa. Umadda oo dhan waxay ka soo farcantay Aadan, Aadan asna dhoobo baa laga abuuray.

***

Qoraalka oo dhammaystiran kuna qoran afka Ingiriiska HALKAN RIIX.

………………………………………………………………………….

Abukar Arman waa qoraa, diblomaasi hore, waana bulsho-u-adeege falaanqooyinkiisa siyaasadda adduunka iyo diinta aad loo daabaco, loona daalacdo. Wuxuu wax ku qoraa Foreign Policy Association http://foreignpolicyblogs.com/author/abukararman/

***

Abukar Arman is a writer, a former diplomat and an activist whose work on foreign policy, geopolitics and faith is widely published. He also blogs at Foreign Policy Association http://foreignpolicyblogs.com/author/abukararman/


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

One response to “Abukar Arman: Fikrado Qotodheer oo Muslimiintu Xusaan Bisha Ramadaan”

  1. Cabduqaadir saalax axmid

    Asc radio daljir aad iyo aad ayad umahad santihin dhaman shaqalaha daljir sido kale waxan halkan oga mahad calinayaa abukar arman o asigana maskaxdiisa waxa kujidhey halkan noogu so gudbiyey arman wan mahadsatahay e horey usi soc

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com