KHATARTA PODCASTIYADA SOOMAALIDA
Marka Xoriyada Hadalku isku Badasho Hub la isku Burburiyo
WQ: Maxamuud Axmed Maxamuud Aw-cismaan
ARAR
Podcastigu waa mid ka mid ah ikhtiraacyada casriga ah ee ugu waaweyn ee saameeyay isgaarsiinta bulshada. Dunida oo dhan, waxaa loo isticmaalaa waxbarashada, faafinta xogta, madadaalada iyo doodaha aqooneed ee heerka sare ah. Hase ahaatee Soomaalida dhexdeeda – gaar ahaan sannadihii u dambeeyey – waxaa ka soo dhex muuqanaya qaab isticmaal khaldan oo u muuqda mid halis ku ah amniga bulshada iyo anshaxa guud ee umadda, halkii uu ka ahaan lahaa adeeg faa’iido leh.
Hadaba Maqaalkani wuxuu si qoto dheer u falanqaynayaa saddex qodob ama arrimood oo lafdhabar u ah dhibaatadan:
A) Baal-marka Qarsoonaanta Xiriirrada Gaarka ah
B) Martiqaadka Dadka ka Arradan Anshaxa,
C) Fahamka Khaldan ee laga Haysto ujeedada Podcastiga
Qodobka 1aad: PODCASTIGA IYO SIYAASADDA
SOOMAALIDA (Goob looga Ganacsaday Sirtii Qarsoonayd)
Xaaladda jirta Maanta
Waxyaabaha ugu waaweyn ee sannadihii dambe ku soo kordhay baraha bulshada Soomaalida waa siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo ka soo muuqanaya barnaamijyo, iyagoo kashifaya xiriirro shakhsi ah, heshiisyo hoose oo qarsoonaa iyo macluumaad ku
saabsan dad kale oo aan fasax u siinin in la baahiyo. Tani waa waa arrin aad xasaasi u ah runtii sababahan awgood:
* Maqnaanshaha Dhinaca Kale: Marka siyaasi ka hadlo xiriir uu la lahaa qof kale, qofkaas maqan waxaa lagu samaynayaa sumcad dil iyadoo aan la helin codkiisa ama ogolaanshihiisa
* Caddayn la’aan: Waxa podcastiga lagu sheego badanaa waa sheeko hal dhinac ah oo aan la xaqiijin karin, balse maadaama ay ku dhex jirto qaab barnaamij, dadku waxay u qaataan arin xaqiiqa ah oo biyo kama dhibcaan ah
* Burburinta Sharafta: Qof kasta oo lagu xanto xiriir qarsoon ama arrimo qoys, sumcaddiisa waxaa soo gaaraya khasaare aan dib loo soo celin karin, xataa haddii warkaas uu yahay been abuur.
Arintaan Maxay u tahay Dhaqan aad u Foolxun?
Dhaqanka Soomaalida iyo diinta islaamkaba xiriirrada shakhsiga ah iyo ammaanada gaarka ah waa lama taabtaan. Maanta podcastiyadii waxaa loo isticmaalayaa in lagu baabi’iyo sirtii iyo kalsoonidii bulshada, isagoo loo adeegsanayo hub lagu curyaamiyo raga ama dumarka ay is hayaan dhinaca siyaasadda.
“Podcastigu waa qayb ka mid ah saxaafadda. Saxaafaddu waxay leedahay mabaadi’ uu kow ka yahay: xaqiijinta xogta, dheelitirka, iyo ilaalinta xuquuqda qofka la sheegayo. Marka mabaadi’daas la waayo, podcastigu wuxuu isu beddelaa goob lagu faafiyo beenta”
QODOBKA 2aad: MARTIQAADKA DADKA AAN ANSHAXA LAHAYN (Kufsiga Podcastiga Bulshada)
Cilladda ugu Weyn
Dhibaatada kale ee taagan waa in podcastiyada Soomaalida ay ku soo badanayaan marti aan loo xulin aqoon ama khibrad, balse loo soo xushay inay kashifaan xaaladaha qoyska iyo arrimo anshaxa ka hor imaanaya si ay u helaan daawadeyaal badan ama
Views.
Dhibaatadu waxay ku jirtaa saddexdaan qodob:
a) Kashifidda Arrimaha Qoyska: Dad badan ayaa loo oggolaadaa inay si mas’uuliyad-darro ah uga hadlaan guurka, furriinka iyo sirta guriga, iyagoo sumcad-dil ugu geysanaya dadkii ay nolosha la wadaageen
b) Faafinta Anshax-xumada: Qaar ka mid ah martida waxay ka hadlaan arrimo xasaasi ah oo lid ku ah akhlaaqda, anshaxa iyo diinta, taas oo dhaawacaysa
barbaarinta dhalinyarada iyo nuxurka qoyska Soomaaliyeed
c) Ceebaynta Ehelka: Waxaan aragnaa dad si toos ah uga aflagaadeynaya waalidkood ama ehelkooda podcastiga dhexdiisa, iyadoo loola dhaqmayo sidii
wax laga qoslo oo caadi ah.
Maxay Saamayn nagu Yeelan Kartaa
Marka bulshadu u barato muuqaallada noocaan oo kale ah:
* Dhalinyaradu waxay u qaadan doonaan in sirtii gaarka ahayd ay tahay wax laga ganacsan karo
* Kalsoonida dhex marta dadka ayaa meesha ka baxaysa, sababtoo ah qof walba wuxuu ka cabsi qabaa in maalin uun sirtiisii laga dhigo mawduuc podcast
QODOBKA 3aad FAHAMKA KHALDAN EE PODCASTIGA (Waa Maxay Podcastiga Dhabta ah?)
Dhibaatada ugu weyn waxay ka timaaddaa faham la’aan dhinaca podcasterada iyo daawadaha labadaba.
Aragtida Khaldan ee laga Aaminsanyahay:
“Podcastigu waa meel qofku iska hadli karo wuxuu rabo, cidna laguma dacwayn karo xor ayaa tahay hortaa banaan”
Ok Xaqiiqda:
Podcastig waa warbaahin dadweyne. Dunidana podcastiga waxaa lagu dabaqaa xeerarka saxaafadda.
Maxaa Podcast ah: Waa faafin dadweyne oo qof kasta gaari karta.
Maxaa aan Podcast ahayn: Ma aha sheeko gaar ah oo laba qof dhex martay.
Maxaa Podcast ah: Waxaa lagu dabaqaa xeerarka anshaxa saxaafadda.
Maxaa aan Podcast ahayn: Ma aha goob bilaa xeer ah oo bilaa sharci ah.
Maxaa Podcast ah: Waa mas’uuliyad saaran qofka soo saaraya barnaamijka.
Maxaa aan Podcast ahayn: Ma aha madadaalo aan cawaaqib lahayn oo soo saruhu iskala qosla qofka uu waraysanayo.
Maxaa Podcast ah: Waa in lagu dhisoo xaqiiqooyin la hubo.
Maxaa aan Podcast ahayn: Ma aha goob lagu faafiyo sumcad dil iyo been abuur.
Ok hadaba sidee loo siticmaalaa Podcastiga si saxan:
Podcastigu waa qalab xooggan oo haddii si wanaagsan loo adeegsado isbeddel keeni kara
Wuxuuna galaa:
a. Waxbarashada: waxaa lagu faafiyaa cilmiga taariikhda iyo dhaqanka wanaagsan
b. Doodaha Siyaasadda: waxaa lagu gudbiyaa doodaha siyaasadeed iyo barnaamijyada hormartinta ee aysan siyaasiyiintu ka hadlin
c. Ganacsiga: waxaa lagu gudbiyaa khibradaha ganacsi iyo guulaha ay gaaraan ganacsatadu iyo dhiira galinta barnaamijyada ganacsiga
d. Akhlaaqda, Diinta iyo Anshaxa: waxaa bulshada loogu gudbiyaa barnaamijyo wacyi galin diimeed si loogu xoojiyo qiyamka suuban ee bulshada
UGU DAMBAYN: Podcastigu waa Amaano (Ha ka Dhigin Aag Madaafiic)
Bulshada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay podcast dhisa oo aan dumin. Waxaan u baahannahay dad aqoon iyo xishood ku dhisaya wadahadalka ee uma baahnin kuwa kashifaya sirtii guryaha ama kuwa siyaasadda u isticmaalaya sumcad dil.
Podcasterka mas’uulka ah waa inuu garanayaa in qofka uu magaciisa soo qaadayo uu leeyahay xuquuq iyo sharaf, waa inuu yahay qof bulshada wax u sheegaya, saamayntiisuna ay tahay mid dadka raad ku reebta, waa inuu yahay mid ku dhisan dhaqanka Soomaalida xishood iyo xurmo.
Sida Quraanka Kariimka ah alle inoogu sheegay:
يا أيها الذين آمنوا اجتنبوا كثيرا من الظن إن بعض الظن إثم ولا تجسسوا
Kuwii alle rumeeyayoow ka fogaada in badan oo male ah, malaha qaarkiis waa dambi hana is jaajuusina
Haddii podcastigu noqdo meel lagu beensheego, lagu dumiyo guryaha laguna kashifo sirta dadka waa in bulshadu ka fogaataa. Haddii uu noqdo meel cilmi iyo aqoon laga barto waa in la garab istaagaa.


COMMENTS