Muxuu yahay macnaha ka danbeeya Isbahaysiga cusub ee Sucuudiga, Turkiga & Pakistan?

Muxuu yahay macnaha ka danbeeya Isbahaysiga cusub ee Sucuudiga, Turkiga & Pakistan?

Muxuu yahay macnaha ka danbeeya Isbahaysiga cusub ee Sucuudiga, Turkiga & Pakistan?

Xiriirkii Mareykanka iyo Sucuudiga se ma qar buu ka laalaadaa?
Xaalka Bariga Dhexe kaga bogo qormada hoose

Adduunku maanta waxa uu marayaa xaalad daran waxaana badi la isku raacay in uu socdo dagaalkii saddexaad ee adduunka, kaas oo aad looga baqayo in uu isku rogo mid mar ay ahaataba la isticmaali doono hubka nukliyeerka ee sida daran wax u gumaada, adduunka oo dhanna rogi kara.

Dagaalku waxa uu u dhexeeya reer Bariga iyo reer Galbeedka. Reer Bariga waxaa hadda hoggaankiisa haya Ruushka, Shiinaha iyo Iran, meesha Reer Galbeedku u dacaysanyahay Mareykanka. Salka dagaalku waa dhaqaale oo waxaa aad u liicay dhaqaalihii reer Galbeedka, meesha kii reer Bariga oo Shiinuhu safka hore hoggaanka u hayo uu aad u sarekacay. Reer Galbeedka oo Ukraine isticmaalaya waxay aad ugu rajoweynaayeen in inta Ruushka dagaal lagu qaado lala wareego khayraadkiisa, maadaama Ruushku yahay dalka dunida ugu ballaaran uguna kheyraad badan. Reer Galbeedku waa ku khasaareen, kuna jabeen dagaalkii Ruushka, khasaarahaas oo keenay in ay toos ula wareegaan dhammaan hantidii Ruushka ee daadsaneyd bangiyada Reer Galbeedka, laguna qiyaasay hanti ka badan $330 bilyan oo USD. Waa dhacdo ugub ah oo aan hore u dhicin, adduunkana ku abuurtay aragagax daran.

Meesha hantida lala wareegay ee Ruushka ee taal bangiyada dalalka reer Galbeedka lagu qiyaasay $330 bilyan, hantida dalalka Khaliijka Carabta ee taal bangiyada Mareykanka waxaa lagu qiyaasay wax ka badan $4 tirilyan oo Mareykanka kaliya ay taal wax ka badan $2.5 tirilyan USD. Qaybta Sucuudigu oo kaliya ayaa ayana lagu qiyaasay lacag ku dhow $2 tirilyan USD.

Haddaba su’aasha maanka Carabta, siiba Sucuudiga, maanta ka guuxaysa baa ah, “haddii Ruushka oo ah dal haysta nukliyeer kan ugu khatarsan maalin cad lacagtiisa lala wareegi karo, maxaa laga filan karaa midda Carabta? Qoraalkeena maanta waxa uu daaranyahay baqdinta Carabta soo wajahday, waxa Mareykan laga filin karo, macnaha ka danbeeya Isbahaysiga cusub ee Sucuudiga, Turkiga iyo Pakistan.

Sucuudiga iyo Carabta Khaliijka oo Mareykanku uu hore hantidooda u haystay una ballanqaaday in uu xukuumadahooda iyo dalalkooda difaacayo waxay ay maalin cad ku waabariisteen Mareykankankii oo in uu Carab difaaco warkeeda daa e asagii is difaaci waayey, oo saldhigyadiisii har cad dab la qabadsiiyey, laga xiray marinkii Hormuus, wixii uu hub haystana ula cararay Yurub iyo Yhda. Carabtii oo waa’ ku baryey waxaa soo foodsaaray laba kala daran: dhaqaale xumi daran ayaga oo waayey meel ay mariyaan shidaalkii ay iibin jireen, iyo baqdin ayaga oo waayey wax difaaca.

Dhaqaale xumidii waxay keentay in hantidii u taalay Mareykanka iyo reer Galbeed oo dhan ay qiimo dhacdo, waxaana ku adkaaday in ay la soo wareegaan hantida ayaga oo ka baqaya in si toos ah loogu diido, lana yiraahdo hub kaliya ku gata. Sucuudigii iyo Carab oo dhan oo afkii juuq gabay oo hore u bixin jiray lacag “baad” ah marka ay rabaan in ay lacag la baxaan (sida diyaarado qaaliga ah oo ay madaxda Mareykanka u gadaan, ama laaluush balaayiin doolare ah oo ay siiyaan carruurta madaxda Mareykanka iyo dadka ka agdhow) waxaa dani ku kalliftay in ay baad kale u ballanqaadaan Turkiga iyo Pakistan. Sucuudigii wuxuu ugu danbeyn fahmay in tiriliyinada ugu kaydsan Reer Galbeedka ay yihiin kuwo la dhici doono sida kuwii Ruushka, sidaas darteed waxay doorbideen in ay helaan “ilaaliyayaal” cusub kahor inta uusan Marekanku toos ugu sheegin in hantidooda lala wareegayo. Maanka Sucuudiga iyo Carab oo dhan waxaa ka yeeraya “haddii hantidii Ruushka lala wareegay, tan Carbeed ee ku dhow shan tiriliyan oo doolar Mareykanku miyuu u daahayaa!”

Hoggaamiyayaasha Carabtu ha ahaadeen kuwo musuq dilooday, ha ahaadeen fulayo ka baqaya dadkooda, dariskooda, Yhd iyo Mareykan, laakiin ma aha doqono. Waa arkeen waana dareemeen waxa soo socda. Waxay arkeen waxa ku soo fool leh. Sidaas darteed si ay wuxuun hantidooda u badbaadiyaan waxay doorbideen isbahaysiga cusub ee Pakistan iyo Turkiga, ayaga oo warar hoose sheegayaan in Sucuudigu labada dal u ballanqaaday lacag kor u dhaafaysa hal tirilyan.

Laakiin mid ogow, qorshaha Isbahaysigu ma aha mid sida loo dhigay lagu difaacayo Sucuudiga ee waa mid Sucuudigu uu farsamo kale ka leeyahay. Farsamada Sucuudiga ayaa la sheegay in ay tahay in aysan ka rajo dhigin hantidooda Mareykanku gacanta ku hayo ayaga oo leh ‘mar haddii aynaan hantideenna maaliyadeed dib danbe u arki doonin waa in Isbahaysigu noqdaa ilaaliyaha cusub, loogana faa’iideeyaa lacagta Mareykanku gacanta ku hayo. Sucuudiga ayaa la sheegay in uu bixinayo kharashka isbahaysiga asaga oo kharashkaas Mareykanka toos uga dalbanaya. Haddii Trump uu diido, yiraahdana waxaan idiin ku badalayaa gantaalada ‘Patriot-ka’ 20ka sano ee soo socda, Sucuudiga waxa uu lacagta ku wareejinayaa Pakistan iyo Turkiga ayada oo lagu macneynayo kharash ay labada dal galeen. Sida la qiyaasayo markaas Mareykanku ma diidi karo lacagta lagu wareejiyey Turkiga iyo Pakistan oo ah dalal aad ugu dhow Mareykanka, Mareykankuna uusan awoodin in uu ‘MAYA’ ku yiraahdo.

Si kasta oo loo fasiro waa lacag kale oo baad ah, laakiin baadda Turkiga iyo Pakistan ugu yaraan waa mid keeni doonta in Mareykanku faarujiyo dhammaan saldhigyadiisa Galbeedka Aasiya, haddii ay taasi suurtagashana ma jirto sabab dagaal danbe uga qarxo Bariga Dhexe.

Maxay adiga kula tahay? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com