Hay’ada Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC), ayaa faahfaahin ka bixisay shaqooyinka ay ka qabtaan Xabsiyada ku yaala Soomaaliya, War qoraal ah oo Hay’addu soo saartay ayay kaga hadashay hawlaha ay qabtaan oo Soomaaliya ay ka wadeen ilaa 1977, Warka ay soo saartay Hay’addu ayaa u qornaa sidan hoose.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) waxay teer iyo bilawgii asaaskeedaba booqanaysay dadka laga qaaday xorriyaddooda ee ku jira xabsiyada, iyadoo Soomaaliyana hawlahaas ka wadday tan 1977. Ujeedada booqashooyinkaas ayaa ah in la hubiyo xaaladda goobaha dadka lagu xiro iyo habka loola dhaqmo maxaabiista iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo nidaamyada caalamiga ah.
Laanqayrta Cas waxay talo-bixinno ku salaysan wixii ay soo indho-dhaysay la wadaagta maamulka xabsiyada si ay xal ugu helaan; iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo maxaabiista ugu nugul in si sakhsi ah loola socdo.
Hababka shaqada xabsiyada Laanqayrta Cas (ICRC) waxaa ka mid ah booqashooyin soo noq noqda, waraysi gooni ah oo loola yeesho maxaabiista, iyo in wada hadal qarsoodi ah misana wax ku ool ah lala yeesho hay’adaha maamula xabsiyada.
Iyadoo la tixgelinayo mashaakilka la ogaaday, Laanqayrta Cas (ICRC) waxay bixisaa talooyin farsamo iyo taageero kale oo la taaban karo si kor loogu qaado xaaladda xabsiyada. Waxaa ku jira taageeradaas kaalmo caafimaad, nafaqo, iyo dayactirka goobaha. Laanaayrta Cas (ICRC) waxay fursad wada xiriir u abuurtaa maxaabiista iyo qoysaskooda.
Laanqarta Cas ma bixiso lacag ama wax kale oo la siiyo hay’adaha maamula xabsiyada iyadoo ujeedadu tahay si loo booqdo ama loo taageero maxaabiista meel kasta oo aduunka ka mid ah. Booqashada xabsiyada ee hay’adda waxay salka ku hayaan sharciga caalamiga ah ee bini’adannimada (IHL) iyo shuruucda dalalka.
Toddobadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan, waxay ICRC guud ahaan wadanka ku kala bixisay
– 37 booqasho 16 goobood oo dadka lagu xiro, iyadoo la eegayo, korna loo qaadayo xaaladda iyo hab-dhaqanka in ku dhow 5,000 oo maxbuus.
– Ilaa 2,000 oo ka mid ah ayaa ka faa’iidaystay adeegyada caafimaadka Laanqayrta Cas.
– In ku dhow 4,000 oo ka mid ah waxay heleen agabka faya-dhawrka oo ay ku jiraan; saabuun, biyo sifeeye, jirikaanno, halka qaarkoodna la siiyay agabka jiifka, marakeeno, joodariyo iyo barkimooyin.
– In ku dhow 4,000 oo maxbuus waxay bishii Ramadaan heleen taageerada afurka ay Laanqayrta Cas ku kordhiso goobahan taas oo ay ku jiraan caano, timir, misir, sokor, iyo hilibka adhiga.
– 115 maxbuus ayaa helay xiriirka qoysaskooda, 37 ka mid ah oo ajinebi ah waxaa lagu wargeliyay wakiiladooda qunsuliyadeed, ama hay’adda qaxootiga ee UNHCR.
END


COMMENTS