Qoraalka Buurta, Xafiiska Wacyigelinta: Madaxweynaha Puntland oo ku Dhawaaqay Guluf Dagaaleed

Qoraalka Buurta, Xafiiska Wacyigelinta: Madaxweynaha Puntland oo ku Dhawaaqay Guluf Dagaaleed

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09 June 2017 shir Jaraa’iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab, kaas oo lagaga safaynaayo Dhammaan Degaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii, iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii shalay ay ciidamada Puntland la galeen argagixisada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur ee gobolka Hayland , waxaana uu madaxweynuhu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-shabaab.

‘’ Sidaad lasocotaan waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 08 June 2017 ay burcad dimeedka Al-shabaab kusoo qadeen weerar gaadmo ah tuulada Af-urur iyo xerada Daraawiishta ee Puntland, waxay weerareen dad muslimiin ah, cibaadaysanaya oo ku jira bil Ramadaan, waxaan bogaadinayaa oo amaan u soo jeedinayaa ciidamada Puntland ee sida geesinimada leh dadkooda iyo dalkooda u difaacay, kuna shahiidey weerarkaas wuxuush nimada ah ee ay soo qaadeen wax matarayaasha Al-shabaab’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland

‘’waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ciidamada difaacayey dadkooda iyo dalkooda iyo saldhigooda ciidanba, sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa ee ay ku xasuuqeen tuulada Af-urur sharwada yaashu’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda ugus ee Al-shabaab ee kusoo duuley dalkooda, kaas oo lagaga sifaynaayo kooxdaasi dhammaan degaanada Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku filan yihiin, kuna filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha Al-shabaab.

‘’Waxaan u sheegayaa dad weynaha Puntland meel kastoo ay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah burcad dimeedka kusoo duuley dalkooda, dawladda Puntland iyo shacabkeedu waysku filan yihiin, waana ku filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha, waxaa balan igu ah oon balan qaadaynaa in dhul kayaga aanu ka sifayno Al-shabaab, daacish iyo intii u soo dulaan tagtay in ay gumaado shacab kayaga’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu magcaabay guddi wasiiro ah kuwaas oo ka shaqayn doona qiimaynta dhibta dhacday iyo gurmadka dadka wax yeeladu kasoo gaadhey dagaal kaasi.

‘’waxaan shalay magcaabay guddi Wasiiro ah oo soo qiimeeya dhibta dhacday kana qayb qaata gurmadka dadka dhaawaca ah iyo dadkii wax yeeladu kasoo gaadhtey dhacdadaasi foosha xun’’ ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali
Gaas ayaa ugu baaqay dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo beesha caalmka inay ku taageeraan dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah.

‘’waxaan ugu baaqayaa Dawladda Fadaraalka iyo beesha caalamka inay nagu tageeraan dedaalka adage e aan kula jirno ladagaalanka sharwadayaasha usoo tafa-xaytey inay gumaadaan shacabiga Soomaaliyed’’ ayii yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.


DIRECTORATE OF COMMUNICATION, MOBILIZATION AND CULTURE HERITAGE OFFICE OF THE PRESIDENT PUNTLAND STATE OF SOMALIA


Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-Gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanke Ee Madaxtooyada Puntland

This message and any attached documents may contain confidential and/or privileged information from Puntland Government. If you are not the intended recipient, please do not read, copy, distribute, or use this information in any manner. If you have received this transmission in error, please notify the sender immediately by reply e-mail and then delete this message

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 0